Wasiir Koowaadka Dalka Iswidhen Ayaa Baneeyay Jagadii Xilka Wasiir Koowaad-nimo

 

28/06/2021

 


Wasiir Koowaad Isteefan Lofeen (Stefan Lovfen) oo baneeyay Xilka Wasiir Koowaad-nimo. Sawir: Stina Stjernkvist/TT

 

STOCKHOLM – Waxaa lagu soo waramayaa, sida laga soo xigtay Radio Iswidhen, Laantiisa Afka Soomaaliga, in Wasiir Koowaadka Dalka Iswidhen Isteefan Lofeen (Stefan Lovfen) uu Maanta baneeyay Jagadii Xilka Wasiir Koowaad-nimo kadib markii Todobaadkii Hore lagala noqday Kalsoonidii.

“Waa in wax kasta laga hormariyaa Danaha Dalka,” ayuu yiri Isteefan Lofeen (Stefan Lovfen).

Afhayeenka Baarlamaanka Iswidhen ayaa hada u howlgelayo sidi loo heli lahaa Wasiir Koowaad Cusub oo ay Iswidhen yeelato.

Isha Warka: Radio Iswidhe, Laanta Af Soomaaliga (Radio Sweden, Somali Section)

Leave a Reply