Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Golaha Wadatashiga Doorashada Soomaaliya Iyo Caqabadaha Hortaagan Furitaanka Shirka

 

28-06-2021

 

MUQDISHO – Waxaa weli hakad kujira oo aan qabsoomin shirkii ay ku balan sanaayeen in uu u furmo Golaha Wadatashiga Doorashooyinka oo ka kooban Wasiir Koowaad Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa Qorshuhu ahaa in uu furmo Maalintii Sabtidii aheyd, hase ahaatee dib ayuu u dhacay. Markela ayuu Maalintii Shalay aheyd uu dib u dhacay kadib markii uu Shirka diiday Ka-qebgalkiisa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Xalay ay yeesheen Kulan Khadka Teleefonka ahaa, Wasiir Koowaad Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo wada jooga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiya, waxaana Kulanka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dadaal ugu jira Qabsoomida Shirka Dardargelinta Howlaha Doorashooyinka.

Isha Warkan: Borama News Network

Leave a Reply