Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ayaa Muqdisho Ka Furmay, Iyadoo Cali Guudlaawe Uu Aaladda Fogaan Aragga Uu Uga Qeyb-galaya Shirka

 

 

28-06-2021

 

MUQDISHO – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka furmay Teendhada Afisyooni, waxaana shir-guddoominayay Wasiir Koowaad Rooble, iyadoo ay kaqeyb-galayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Puntland, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle uu Aaladda Fogaan Aragga uu uga qeybgelayay Shirka, isagoo ku sugan Dalka Turkiya.

Shirka ayaa looga hadlayay Dardar-gelinta Doorashada wixii ka qabsoomay Heshiiski Bishii Hore ee 27dii Maajo, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan Jadwal Doorasho, maadaama Mudadii 60ka Maalmood ee horay loo qabtay ay Muddo Bil ah qaadatay Kala-shaandheyntii iyo Magacaabida Guddiga Doorashada Labada Heer iyo Xalinta Qilaafaadka.

Furitaanka Shirkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Wasiir Koowaad Rooble uu Khadka Taleefanka uu kula hadlay Cali Guudlaawe oo ka dalbaday raalli gelin, si shirka u furmo, iyadoo laga xaliyay wixii tabasho uu qabay

Qoraal shalay ka soo baxay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Hir-Shabelle ayaa lagu qaadacay Kaqeyb-galka Shirka uu ku baaqay Wasiir Koowaad Rooble, waxaana lagu caddeeyay in aanay wax talo ah ku laheyn shirkaas, wixii ka soo baxana aanay quseyn.

Shirkan ayaa la qorsheynayaa inuu qaato Muddo Labo Cisho ah, si wixii Farsamo ee ku-saabsan Arrimaha Doorashada looga hadlo.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply