Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Oo Shaaciyay Inuusan Qeyb Ka Aheyn Shirka Maanta Ka Furmaya Muqdisho

 

27-06-2021

 

JOWHAR – Maamulka Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay inaysan qeyb ka aheyn Shirka lagu wado inuu Maanta Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasoo uu iclaamiyay Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu shaaciyay in waxii kasoo baxa Shirka Wadatashiga Qaran aysan quseynin Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, balse ay dhowri doonaan Fulinta Heshiiskii17kdii Sebtember iyo kii 27dii Maajo lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Hir-Shabeelle ayaa imaanaya, iyadoo Maanta lagu wado inuu furmo Shirka Madasha Qaran oo aay diyaar u yihiin Ka-qeybgalkiisa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Gal-Mudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Puntland, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku maqnaa Dalka Turkiya dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay, lama oga waxa ay ka badali karto Mowqifka Shirka Madasha Qaran Diidmada Hir-Shabeelle ee ah ineysan qeyb ka aheyn Shirka, wixii kasoo baxana aysan quseynin.

Hoos ka aqriso Qoraalka kasoo baxay Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply