Faah-faahino Uu Taliska Booliska Gal-Mudug Uu Ka Bixiyay Qasaare Argagixisada Al-Shaab lagu gaarsiiyay Degaanka Wisil

 

27-06-2021

 

WISIL – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Gal-Mudug Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Qasaare Xooggan lagu gaarsiiyay Argagixisada Al-Shabaab Weerarkii gaadmada ahaa ay ku soo qaadeen Deegaanka Wisil Aroornimadii Saakay.

Taliyaha ayaa sheegay in Abaaro 4:30 Habeenimo Xilliga la isku diyaarinayay Salaada Subaxa ay soo weerareen Deegaanka hase ahaate Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwa Daraawiishta Gal-Mudug iyo Bulshada Deegaanka ay iska caabiyeen isla markaana ay ka dileen Argagixisada tiro Maleeshiyaad ah lagana furtay Hub.

“Abaaro 4:30 Habeenimo, Xilliga oo la isku diyaarinayay Salaad Subax ayay Weerar Gaadmo nagu soo qaadeen, kaasi oo ay ku bilaabeen Qarax balse Qasaaraha iyagu uu soo gaaray.”

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Gal-Mudug Gashaanle Maxamed Mire Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dagaalka uu wali socdo isla markaana la jibiyay hadane lagu raad joogo Haraadigooda.

“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno Dhamaan Degaannada ay sida Dhuumaaleysiga ah uga joogaan Gobolka Mudug, maxaa yeelay Awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan, kole hada Awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay Weerarada Gaadmada ah,” ayuu yiri Taliye Maxamed Mire.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply