Dhoolatus Ay Ciidamada Jabuuti, Qeybtooda AMISOM Ay Ka Sameeyeen Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan Ee Soomaaliya

 

27-06-2021

 

BALADWEYNE – Ciidamada Jabuuti ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa Maanta u Dabaal Dagay Sanadguuradii 44aad ee kasoo wareegatay marki Jabuuti Xornimada ka qaadatay Gumeeystihii Faransiiska sanadi 1977dii.

Munaasabada Ciidamada Jabuuti ku qabteen Xerada ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabelle, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Masuuliyiin kale.

Ciidamada Jabuuti ayaana intii ay ku jireen Xuska Maalinta Xuriyada Dalkaasi soo bandhigay Dhoolatus, waxa ayna Ciidamada halkaasi ku sameeyeen Gaardo ka ciyaar ay ku muujinayeen sida ay uga faraxsan yihiin Maalinta Xuriyada Dalkaasi oo Maanta ku beegan.

Dalka Jabuuti iyo meelo badan oo Caalamka katirsan oo ay ku kunool yihiin Dadka Reer Jabuuti ayaa Maanta oo kale si weyn looga xusayaa Sanadguuradii 44aad ee kasoo wareegtay markii Xurnimada ka qaateen Gumeestihii Faransiiska ee dalkaasi xooga ku heestay.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply