Xiisad Dagaal Ayaa Saakay Ka Taagneyd Magaalada Jowhar

 

26-06-2021

 

JOWHAR – Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellada Dhexe waxaa Saakay ka taagneyd Xiisad Colaad kaddib markii Xalay ay dagaalameen Ciidamada Haramcadka ee sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamamada Ammaanka ee Magaalada Jowhar sida Booliiska iyo Milatariga oo isku dhinac ah.

Inta la xaqiijiyay Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay Askari kamid ah Booliiska Haramcadka iyo Askari kale oo katirsan Milatariga ilaaliya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellada Dhexe.

Falkaan ayaa dhacay kaddib markii la suray Calanka Soomaaliya Habeen Barkii Xalay maadaama Magaalada Jowhar ay kamid ahayd Goobaha ay ka dhacayeen Munaasabadda 26ka Juun loogu dabaal degayay.

Lama oga Sababta ka danbeysa Falkaan in kastoo mar qura laga maqlay Gudaha Magaalada Jowhar Rasaas Xooggan oo ay is weydaarsanayeen Ciimdamada dagaalamay sida ay xaqiijiyeen Dad Goobjoogeyaal ah.

Weli wax Hadal ah kama uusan soo bixin Maamulka Hir-Shabelle, Maamulka Gobolka Shabellada Dhexe iyo Taliyeyaasha Ciidamada dagaalamay.

Waxaa suurtagal ah in Qasaaraha uu ka badanyahay inta hadda la ogyahay maadaama Xilli Habeen ah uu dhacay Dagaalkaan.

Dhow jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa Magaalada Jowhar ugu dagaalamay Ciidamo kawada tirsan Dowladda kuwaasi oo Rasaasta ay is weydaarsanayaan ay ka dhashaan Qasaaro kala duwan.

Falka nuucaan oo kale ah weli Dowladda Go,aan Cad kama aysan qaadan inkastoo la xalinayay marka ay wax dhacaan.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply