Wasiiro Katirsan Maamul Goboleedka Puntland Oo Qaraxyo Lagula Eegtay Buuraleyda Gobalka Bari

 

26-06-2021

 

Wasiiro katirsan Maamul Goboleedka Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Wafdi la socday ayaa ka bad-baaday Qarax loo geliyay Wadada u dhexeysa Degmada Isku-shuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari.

Weerarkan oo ahaa Labo Qarax oo kuwa Wadada lagu aaso ah waxaa ku dhintay Hal Askari, waxaana ku dhaawacmay Laba Askari oo kale.

Weerarka Qaraxyada ah ayaa yimid Xilli Waftiga oo Booqasho ku marayay Maalmihii ugu dambeeyay Gobalada Bari iyo Gardafuu, ayna ku wajahnaayeen Magaalada Boosaaso.

Isha Warkan: Somali Weyn News

Leave a Reply