Madaxweynaha Mamul Goboleedka Jubaland Ayaa Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

 

26-06-2021

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo kasoo ambabaxay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ka mahadceliyay Soo-dhaweynta.

Ujeedka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo si rasmi ah u furmi doona.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Fulinta iyo Dardar-gelinta Heshiiskii 27dii Maajo 2021da laga gaaray Qabsoomida Doorashooyinka Dalka ka dhacaya, kadib markii ku dhowaad Sanad uu Qilaaf ka taagnaa Doorashada.

Shirkaan ayaa lagu waday in Maanta oo Sabti ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho, balse Dib-udhac ayaa ku yimid, Sababo la xiriira Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada oo intooda badan ka maqan Caasimadda Dalka.

Isha Warkan: Radio Dalsan

Leave a Reply