Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

 

26-06-2021

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhoweeyay .

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Wafdiga kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, Xukuumadda Fedaraalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka Wadatashi ee looga hadlayo Dardargelinta Doorashooyinka Dalka, kaas oo ay yeelanayaan Golaha Wadatashiga Doorashooyinka Dalka.

Horay waxaa Magaalada Muqdisho u soo gaaray, Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana sidoo kale lafilayaa in ay yimadaan Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle.

Shirka ay yeelanayaan Mas’uuliyiinta Madasha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka iyo Howlihii ka qabsoomay tan iyo Heshiiskii 27kii Bishii May 2021ka ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Muqdisho

Leave a Reply