Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal-Mudug Ayaa Yimid Muqdisho

 

26-06-2021

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa yimid Magaalada Muqdisho, iyada oo Madax iyo Mas’uuliyiin Sare oo Heerarka kala duwan leh ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal-Mudug ayaa ka qeybgali doona Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ku casuumay Wasiir Koowaadka Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u joogay Magaalada Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Risaala

Leave a Reply