Ciidamo Itoobiyaan Ah Iyo Al-Shabab Oo Maanta Ku Dagaalamay Degmada Xudur

 

26-06-2021

 

Ciidamo Itoobiyaanka ah iyo Xubno katirsan Al-Shabab ayaa Maanta ku dagaalamay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, dagaalkaasi oo geystey Qasaaro kala duwan

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Weerar ku bilaawday Madaafiic lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ay ka ilaaliyaan Xarunta Gobolka Bakool ee Degmada Xudur.

Dadka ku nool Degmada Xudur oo culeys Dhinaca Go’doonka ah dareemayay 10kii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay sheegeen in Meelo kamid ah Degmada ay kusoo dhaceen Raasta ay is weeydaarsanayeen Labada Dhinac balse wax Qasaaro ah kasoo gaarin.

Sidoo kale waxaa la sheegay in intii uu socday Dagaalka ay Ciidamada Itoobiya Dhankooda ay Madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, waxaana weli si rasmi ah loo xaqiijin Qasaaraha Labada Dhinac kasoo gaaray Dagaalka.

Isha Warkan: Daafeet News

Leave a Reply