Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Xidhay Shir Muddo Laba Maalmood Ah Wasaaradda Uga Socday Hargeysa

 

25/06/2021

 

HAREGEYSA (SOLNA) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Muumin Seed ayaa soo gebo gebeeyey Shirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaaladda Hargeysa.

Shirkan ayaa mudadii uu socday lagu falan qaynaayey, isla markaasna doodo iyo su’aalo layskaga weydaarsanaayey Qaabka ugu haboon ee loo horumarin karo Beeraha iyo Waxsoo- saarka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gebo gebadii Shirkaasi waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md Axmed Muumin Seed oo u mahadceliyey dhammaanba kasoo qayb galeyaashii Shirkaasi socday Mudada Labada Cisho ah, isaga oo sheegay Wasiirku in dhowaan lasoo saari doono War-murtiyeed ku aadan Shirweynahan iyo waxyaalihii kasoo baxay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiir Axmed Muumin Seed in Qoraaladda iyo Nuxurka kasoo baxa Shirkan ay kaydin doonto Wasaaraddu.

Leave a Reply