Madaxda Dowlad Goboleedyada Ayaa Kusoo Jeedo Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

25-06-2021

 

MUQDISHO – Madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Soomaaliya qaarkood ayaa Maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, si markaasi ay uga qeyb-galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo Maalinta Sabtida ah oo ay Bishan Juunyo tahay 26da.

Magaalooyinka, Dhuusamareeb, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe ayaa waxaa ka socdo Qaban-qaabada lagu soo amba-bixinayo Madaxda Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, inkastoo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ay suurtagal tahay inuu Maanta dib uga dhaco Socdaalkiisa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo Socdaal ugu maqan Dalka Turkiya ayaan la ogayn goorta uu Socdaalkiisa Muqdisho uu ku beegan yahay.

Wasiir Koowaadka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu Talaadadii uu Shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Shirkaasi oo looga arrinsanayo wixii ka qabsoomay Heshiiskii ay dhincyadu ay 27kii Bishii Maajo ay ku gaareen Teendhada laga dhex-dhisay Xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni (Aviazione).

Isha Warkan: Universal TV Somali

Leave a Reply