Iskaashatada Beeraleyda Baladweyne Oo Soo Bandhigay Nuucyada Dalagyada Ee Ka Baxa Degmadaasi

 

25-06-2021

 

BALADWEYNE (SONNA) – Madax katirsan Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, kan Degmada Baladweyne iyo Marti Sharaf kale ayaa ka qeybgalay Xaflad Iidowga Iskashatada Beeraleyda Degmada Beladweyne oo ka kooban 14 Iskaashato ay ku soo bandhigeen Nuucyada Miraha Beeraha ee ka baxa Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, ayaa balanqaaday in Wasaradda Beeraha Hir-Shabeelle ay si dhow ula shaqeyn doonto 14 Iskaashato, ayna ka caawin doonto waxyaabaha ay u baahanyihiin, ayadoo Wasaaraddu kaashan doonto Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Beeraha.

Guddoomiyaha Degmada Beladweyne Cisman Dhicisow Dhuubow, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cali Cabdi ayaa si wada jir u bogaadiyay Bandhiga ay qabteen Midowga Iskashata Beeraleyda ee Degmada Beladweyne.

Guddoomiyaha Midowga Iskaashatda Beeraleyda Degmada Baladweyne Cilmi Cabdullaahi Maxmed (Cilmi Dugow) iyo Cabdiraxamaan Maxamed Cabdi Cali oo ah Xogheynta Midowga Iskaashatada Beeraleyda ayaa ka warbixiyay Dadaalka ay ugu jiraan Waxsoo-saarka Beeraha iyo Caqabado ay la kulamaan Beeraleyda.

Leave a Reply