Baarlamaanka DG Gal-Mudug Ayaa Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Miisaaniyada 2021

 

25-06-2021

 

DHUUSAMAREEB – Kulanka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Maanta oo shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Gal-Mudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali ayaa Ajandaha Kulanku wuxuu ahaay;

1) Akhrinta 3aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021.
2) Bandhigga iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo Miisaaniyadda Gal-Mudug Dibu-eegis ku sameeyay ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday Meelmarinta Miisaaniydda, waxaana Codsiga Guddiga kadib Xildhibaanadu si caqlibiyad ah u meel mariyeen Miisaaniyada Gal-Mudug ee 2021.

Ansixinta Miisaaniyada kadib ayaa waxaa Shirka soo xiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Maxamed Nuur Gacal oo sheegay in Miisaaniyadda ay Cod Aqlabiyad leh ku codeeyeen Xildhibaannada, waxaana Haa ku codeysay 47 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Dhinaka kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Gal-Mudug ayaa Baarlamaanka Maanta hor keentay Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Gal-Mudug.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xildhibabaannada Baarlamaanka Gal-Mudug u sharxay Muhiimadda Sharcigaan u leeyahay Ganacsiga Gal-Mudug.

Kulamada soo socda ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa Qorshuhu yahay inay meel mariyaan Hindise Sharciyeedyo Cusub.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply