Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Maanta Kusii Jeedo Magaalada Berbera

 

24/06/2021

 

JIGJIGA – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa Maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Berbera, iyagoona ka soo ambabaxay Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mustafa Cagjar ayaa waxaa uu ka qeyb-gali doonaa Xarig Jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn weyn lagu sameeyay.

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Wafdigba Madaxweynaha ay ka soo ambabaxeen Magaalada Jigjiga, islamarkaana ay ku wajahan yihiin Magaalada Barbara.

“Waxaan u ambabaxnay, Barbera oo aan Maanta ka qayb qaadanayno Xaflada Furitaanka Deddka Berbera, oo kamida Mashruuca Horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Berbera. Waxay wax badan ka badalay, saa Xidhiidhka soo jireenka, Walaaltinimo, Dhaqaale iyo Bulsho Reer Degaanka Somaalida iyo Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa Shalay waxaa uu gaaray Magaalada Berbera, waxaana la filayaa in Xarig Jarka ay ka qeyb galaan Masuuliyiin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Ammaanka Magaalada Barbara ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo badan la dhigay Wadooyinka gala Magaaladaasi.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply