Kulan Ay Yeesheen Jeneraal Xijaar Iyo Wafdi Ka Socda Ciidanka Booliska Caalamiga ( ICPO–INTERPOL)

 

24-06-2021

 

MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Ciidamada Booliska Caalamiga ah ee (INTERPOL) oo Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay Howlaha iyo Iskaashiga Booliska Soomaaliyeed ay la sameynayaan INTERPOL-ka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Tababarada Ciidamada Booliska Soomaaliya qeybna ay uga qaadan lahaayeen.

Sidoo kale waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ah Howlaha iyo Iskaashiga INTERPOL ee dhanka Hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu soo hadal qaaday Wadashaqeyn iyo Iskaashi Heer Caalami ah oo dhex marta Ciidamada Booliska Soomliyeed iyo INTERPOL.

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply