Al-Shabaab Oo La Sheegay Inay La Wareegtey Deegaano Hoos Taga Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

24-06-2021

 

JOWHAR – Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen Degaano hoostaga Degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle, halkaas oo Maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya Howlgallo ka wadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen Degaanada Warciise, Qordheere iyo Degaano kale kadib markii Degaanadaas ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Degaanada ay Al-Shabaab la wareegeen ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada Dowladda ay si awood ah ula wareegay, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply