Xuska Xorriyadda, Yaan La, Suu-radd Xumeyn

 

23-06-2021

 

Waxaa la guda-galay Toddobaadkii Xorriyadda Soomaaliya, Dariiqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho qaar kamida waxaa la suray Sawirka Madaxweyne Muddo Xileedkiisu Dhammaaday.

MUQDISHO – Xuska Toddobaadka Xorriyadda ayaa la galay, iyadoo la muujinayo Mudnaanta ay leedahay Xorriyadda, ayaa in badan oo kamida Waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaa la suray Boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo kala duwan oo dhammaantood looga gol leeyahay Weyneenta Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Guddi loo xil saaray Qaban-qaabada Munaasabadda socon doonta Toddobaadka ayaa ka fariistay sidii ay usameyn lahaayeen Munaasabad Heerkeedu Sarreeyo, in badan oo kamida Dadkaasi waa Saaxiibada Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, iyagoo dareensiinaya sida ay mar waliba u jecel yihiin, ayey Boorarkii oo dhan Sawirradiisa ku xardheen, halka markii hore Sawirrada ay ka dhex muuqan jireen Halgamayaashii Soomaaliyeed ee Xornimada usoo diriray.


File – Demonstrators from Somali anti-government opposition groups burn photographs of the president in the Fagah area of Mogadishu, Somalia, on April 25, 2021. Farah Abdi Warsameh/AP

Waxay u muuqataa in ay tahay Munaasabad ka duwan kuwii hore, Kooxda Dib-usoo laabashada Farmaajo ka shaqeyneysa ee doonaysa in ay Olole ku galaan Munaasabadda Xorriyadda waxay hilmaameen halka ay wax ku wadaan, iyo sida ay u Suurad Xumeynayaan Xuska Maalmaha Xorriyadda oo ay ku koobeen Shaqsi Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday, sidii Afawerkiga Eratariyana Xukunka xoog ku haysta, Doorasho inuu dalka gaarsiiyana diiday, una xusul duubaya sidii uu Talada Dalka isaga haysan lahaa sidii inay tahay Dhaxal.

Waa Munaasabaddii 5-aad ee uu kasoo muuqdo, isagoo ah Madaxweyne, sida Sharciga ah Madaxweyne kasta ee la doorto waxa uu Xilka hayaa 4 Sano, balse Farmaajo oo sameystay Muddo Kororsi Dadban ayaa hadda doonaya isaga iyo Kooxdiisa Ololaha Doorashada ku wehlisa in ay Suurad Xumeeyaan Maalmo Muhiim u ah Soomaali oo dhan, xilli lagu guda jiro Kala-guur.

Farmaajo, isagoo ah Musharax Madaxweyne lana siman Musharaxiinta kale ayaa Sawirkiisa la suray Dariiqyada, iyadoo loo dabaal-dagayo Toddobaadkii Xorriyadda, waxaa xusid mudan in mid kamida Halgamayaashii Soomaaliyeed ee Taariikhda baal-dahaba ka galay midkoona aan sawirkiisa la surin Bartamaha Waddooyinka. Sidoo kale Dhallinyaradii usoo halgantay Xornimada ee SYL ayaa iyagana ka maqan boorarka Maanta la suray Muqdisho.

Waxaa Ilaahay Mahaddiis ah in Deegaanada kale ee Dowlad Goboleedyada Dalka aan la surin Sawir kamida kuwa Maanta Muqdisho laga taagay, waxayna taa muujineysaa in laga wada cararayo, in La Suuradd-xumeeyo Toddobaadka Muhiimka ah ee Xorriyadda Soomaaliya.

Isha Warkan: Keyd Media

Leave a Reply