Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Ayaa Guullo Ka Sheegtay Howl-gallo Ka Socda Goa bolka Shabeella Dhexe

 

23-06-2021

 

JOWHAR – Taliska Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadadii Shalay sheegay in 17 kamid ahXoogaga Al-Shabaab ay ku dileen Howl-gallo ay Ciidanka Qalabka Sida ka wadaan Deegaanno katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Cali Xashi Cabdi ayaa Warbaahinta Dowladda Soomaaliya u sheegay in Dagaallada lagu dilay Dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka dhaceen Tuulooyinka Wara Raxley, Qurac Madoobe iyo Cali Fooldhere.

Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab oo kusaabsan Dagaallada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply