Kulan Uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Uu La Yeeshay Ganacsatada Soomaaliya Ee Turkiya

 

23-06-2021

 

STANBUL – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseyn, ayaa Xalay Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiya uga qeybgalay Kulan Casuumaad ah oo Ganacsatada iyo Jaaliyadda Magaaladaas ay u sameeyeen.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka oo Kulankaan uu ku wehliyay Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow Ibraahim, oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxey iska xog wareysteen Xaaladaha Guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan tan Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseyn, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Ganacsatada Soomaaliya ee Stanbul uga mahadceliyay Casuumaada iyo Soo-dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay Faa’iidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda, si gaar ahna u la wadaagay Fursadaha Maalgashi iyo tan Tanacsi ee ka banaan Hir-Shabeelle.

Ganacsatada Kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Dhankoooda balanqaaday inay booqan doonaan Deegaanada iyo Degmooyinka Hir-Shabeelle, si ay u maalgashtaan Deegaanadaas barwaaqada ah.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply