Wasiir Koowaad Rooble Oo Shir Isugu Yeeray Madaxda Maamul Goboleedyadda

 

22-06-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lagu soo waramayaa in Shir uu isugu yeeryay Madaxda Maamul Goboleedyadda Soomaaliya.

Shirka uu isugu yeeryay Madaxda Maamul Goboleedyadda Soomaaliya ayaa wuxuu Maalinta Sabtida ah uu ka dhacaya Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqsisho ee Gobolka Banaadir.

Shirka Maalinta Sabtida ah, ayaa waxaa leykaga wareysan doonaa Howlihii ka qabsoomay U-Diyaargarowga Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaana wixii ka dambeeyay Heshiiskii 27dii Maajo ee Gugan 2021da.

Ugu dambeysti, Shirka la isugu imaanayo Maalinta Sabtida ah, ayaa wuxuu ka dambeeyay Kulan Qadka Foggaan Araga oo ay yeesheen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseyn Rooble, Madaxda Maamul Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply