Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Kamid Ah Rag Dil Ka Geystay Muqdisho

 

22-06-2021

 


Sawirka waxaa leh Jamal A. Osman

 

MOGADISHU – Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku dhigay mid kamid ah Saddex Nin oo Xalay Degmada Dayniile, gaar ahaan Agagaarka Aargada ku dilay Gudoomiyihii Waaxda Shanaad ee Kurdamac, Cabdi Cabdulle Cismaan (Juge).

Ninkan la qabtay ayaa isku dayay in uu baxsado, hase yeeshe Cciidamada oo eryaday ayaa dhaawacay Ninkan hubeysnaa, kaddibna Gacanta ku dhigay isaga oo watay Biskooladii uu Dilka ku geestay.

Xoghayaha Degmada Dayniile Mahad Shiraawe ayaa VOA u sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay Dilkan, wuxuuna intaas ku daray in uu usocdo Baaritaan dheeri ah, isla markaana ay ku raadjoogaan Xubnihii kale ee ku lugta lahaa Qorshaha Dilka Cabdi Juge.

Bishii Abril ayay aheyd markii Ku-xigeenkii Arrimaha Siyaasadda Degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow) lagu dilay Qarax Miino oo loo dhigay Gaarigiisa.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply