Cidamada AMISOM Ayaa Iskood Kaga Baxay Deegaanka Marin Gubaay

 

22-06-2021

 

BARAAWE – Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadoodii ka socday Dalka Uganda ay isaga baxeen Saldhigga Deegaanka Marin Gubaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegeen in Sababta ay uga baxeen ay tahay Aag Beddelasho Ciidan.

Al-Shabaab ayaa goor sii horreysay sheegtay iney la wareegeen Saldhiggaaasi.

Saldhiggan oo katirsa Gobolka Shabeelada Hoose ayaa wuxuu Magaalada Baraawe u jiraa 40 Kiiloo Mitir.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply