Guddoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Oo La Dilay

 

21-06-2021

 

BALADWEYNE – Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in la dilay Guddomiyihi Dhalinyarada ee Gobalka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya Warar kala duwan oo ku aaddan Dilkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Koox Hubeysan ay dileen Faraax Diir Cabdi Garuun oo ahaa Guddoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in Goobta ay isaga baxsadeen Dableydii Falkaasi Dilka ah gaysatay.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay Xafada Nurxawaad, iyadoo Mas’uulkaasi la dilay, Xili uu ku sugnaa Xaafaddaasi sida ay Wararku inagu soo gaarayaan.

Dilka Kadib waxaa Goobta gaaray Ciidanka Ammaanka, kuwaasi oo sida Dad Goobjoogyaal ah ay inoo sheegeen, Baaritaanno sameeyay inkastoo aan la shaacin Cid loo soo qabtay Falkaasi.

Sidoo kale Hay’adaha Ammaanka Gobolka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, wax War ah kama soo saarin Dilkaasi, mana jirto Cid ka hadashay iyo Cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilkaasi Caawa loo gaysytay Faraax Diir Cabdi Garuun, Guddomiyihi Dhalinyarada ee Gobalka Hiiraan.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply