(UPDATE 1) Dowladda Iswidhen (Sweden) Oo Maanta La Riday

 

21-06-2021

 

Prime Minister Stefan Löfven, right, has a week to decide his next move. Credit: Claudio Bresciani/TT

 

STOCKHOLM – Dowladda uu hogaaminayay Wasiir Koowaad Isteefan Loffen (Stefan Lofven) ee Xisbiga S ee Iswidhen (Social Democratic Party) ayaa lagu soo waramayaa in Baarlamanka Dalka Iswidhen uu Maanta Kalsoonida kala noqday.

Warka wuxuu darayaa in Xisbiyada M (Moderate), KD (Chritian Democrats), SD (The Sweden Democrats) iyo V (The Left Party) ay u codeeyeen in la rido Dowladdaas, iyadoona ay 181 Xildhibaan ay Kalsoonidi kala noqdeen Dowladda.

Qalinle Dayib, Siyaasi katirsan Xisbga Centerpartiet (Center Party) | Sawir: Gooni Loo Leeyahay

 

Qalinle Dayib oo katirsan Xisbiga C (Center Party) ayaa wuxuu sheegay in Wasiir Koowaad Isteefan Loffen (Stefan Lofven) uu hada haaysta Hal Todobaad, si markaasi uu u eego hadduu mar kale Dowlad soo dhisi karo.

 

Isha Warkan: Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply