Doorasho Ka bilaabatay Itoobiya

 

21-06-2021

 

ADDIS ABABA – Codbixiyeyaasha Itoobiya ayaa Saakay u dareeray Goobaha Codbixinta, iyagoo dooran doona 547 Xildhibaan.

Xildhibaanada lasoo dooran doono waxey ku biiri doonaan Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, Xisbigii ugu Cod bataana wuxuu iska soo dhex-xuli doonaa Ra’iisal Wasaaraha.

Tirada guud ee 547 Goobood ee Deegaan Doorashada ee Baarlamaanka, ayaa Maanta oo Isniin ah waxaan laga codeynayn boqol 102 Goobood, iyadoo loo aaneeyey Amni Darro iyo wax is daba marin.

Deegaanka Tigreega oo 38 Deegaan Doorasho, ayaaney ka dhaceyn Doorasho, maadaama halkaasi Haatan ay ka socdaan Dagaallo.

Sidoo kale, Deegaanada Soomaalida iyo Hararida ayaaney Doorasho ka dhaceyn, iyadoo la qorsheeyey iney halkaasi Doorasho ka qabsoonto Bisha Sebtember ee inagu soo fool leh.

Doorashadan waa tii ugu horeysay tan iyo intii uu Xukunka qabtey Ra’iisal Wasaare Abiy Axmd sanadkii 2018-kii. – Radio Kulmiye

Leave a Reply