Xildhibaan Mahad Salaad Ayaa Soo Dhaweeyay Guddiyada Doorashooyinka Ee Uu Magacaabay Wasiir Koowaad Rooble

 

20-06-2021

 

MUQDISHO – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Magacaabista Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee uu Xalay Fiidkii magacaabay Wasiir Koowaad Rooble, wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo Guddiyadda uu magacaabay Wasiir Koowaadka Rooble Dalka.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble, Sixidda iyo Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Team-kiisa si loo dedejiyo Qabsoomida Doorasho hufan oo loo dhanyahay,”.ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad, kadib markii Xalay Fiidkii la shaaciyay Guddiyada Doorashooyinka.

Isha Warkan: Radio Muqdisho

Leave a Reply