WK Rooble Baa Magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka

 

20-06-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Xukuumada Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Xubnaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka, kuwaas oo dhamaantood Saraakiil ah.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddigaan ayaa isugu jira Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Saraakiishaan dhammaantood waxay ku shaqeyn doonaan Awaamiirta Wasiir Koowaaad Rooble oo hoggaaminaya Doorashooyinka Dalka, isla markaana si buuxda loogu xil-saaray inuu Dalka ka qabto Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda.

Waxaa xusid mudan in Madasha Wadatashiga Qarano oo ay ku bahoobeen Wasiir Koowaaad Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay wada saaran tahay Mas’uuliyadda Qabsoomidda Doorsaho lagu wada qarancsan yahay, maadaama ay si wadajir ah u saxiixeen Heshiiskii 27kii Bishii Maajo.

Doorashadan ayaa laga cabsi qabaa in Magaalooyinka qaar ay isku qabtaan Dhinacyada tartamaya, maadaama uu ka muuqdo Loolan Adag, waxaana Magaalooyinkaas kamid ah Dhuusamareeb, Beledweyne iyo Garbahaarey.

Halkan hoose baa lagala socon karaa Guddiga Amniga Doorashooyinka ee la magaabay.

Xigasho: Wardoon News

Leave a Reply