Soomaaliya Iyo Gaaboon (Gabon) Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labadooda Dal

 

20-06-2021

 

ANTALYA – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee Xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Gaaboon (Gabon) Mr. Pacôme Moubelet-Boubeya.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Iskaashi ee ka dhexeeya Dalalka, iyadoo sigaar ah Diirada loo saaray wax ka qabashada Arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya iyo Gaaboon (Gabon) .

Inta uu socday Kulanka ayaa looga arrinsaday sidii loo heli lahaa Aragtiyo ballaaran oo Iskaashi Laba Geesood ah oo Dhinacyo kala duwan leh, iyo in kor loo qaado Heerarkooda si loogu adeego Danaha Labada Dal iyo Shacabka Saaxiibka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee Xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga uga qeyb galay Shir kusaabsan Sii-xoojinta Iskaashiga Dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika. – Somali Weyn News

Leave a Reply