Qarax Qasaare Geystay Baa Muqdisho Ka Dhacay Caawa Fiidkii

 

20-06-2021

 

Qarax xoogan ayaa Caawa Fiidkii ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay Meelo badan oo kamid ah Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Qaraxan lala beegsaday Gaari Surf ah oo marayey Wadada Taleex oo katirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn Cida la socotay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaabka uu Qaraxaas u dhacay, ayaa warar qaarkood sheegaya inuu ka dhashay Miino la dhigay Waddada Dhinaceeda, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa Qarax ku xirnaa Gaariga.

Ugu yaraan Labo Qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen Qaraxan, kuwaasoo loola cararay Goobaha Caafimaadka, iyadoo dad Goobjoogayaal ay Warbaahinta u sheegeen in Dhaawacoodu cuslaa.

Ciidamada Amaanka DF ayaa Goobtaas gaaray Muddo koobana xiray, iyagoo sameeyey Baaritaano kala duwan, mana jiro war ka soo baxay Laamaha Amaanka oo ku saabsan Qaraxan.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply