Heshiis Ganacsi Ay Muqdisho Ku Kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya

 

20-06-2021

 

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday Heshiis Ganacsi oo la isku dhaafsanayo Kalluunka iyo Qaadka.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Cabdillaahi Bidhan Warsame oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Axmed Faarax, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo Marti Sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay saxiixa Heshiiska Ganacsi ee Labada Dal kaas oo kor u qaadi doona Xiriirka Ganacsi.

Shixnaddii ugu horreysay oo dhan 20,000 Tan oo Kalluun ah oo Soomaaliya ay leedahay ayaa Maanta loo diray Dalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Heshiiskaan Ganacsi oo ay la galeen Itoobiya inuu abuuri doono Mashaariic Horumarineed, Ilo Dhaqaale iyo Ganacsi Badeecaddeed.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa sheegay Heshiiskaan inuu Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kalluuunka ka caawinayo in ay si Sharci ah Dalka Itoobiya ugu dhoofin karaan Wax-soosaarkooda.

“Howshani waa bilow. Dad badan ayaa laga yaabaa in ay maqlaan Qaadka Kenya maxaa loo joojiyay? Qaadka Kenya waxaa loo joojiyay, Dowladda Kenya waxay naga diiday in aan annaga wax u dhoofino dalkooda. Gacmuhu waxay ku fiican yihiin in ay wax isweydaarsadaan,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay Heshiiskaan inuu isku dheellitirayo Ganacsiga Labada Dal uuna Mustaqbalka dhow horseedayo in ay Shacabka Labada Dal ku liibaanaan.

“Waxaan Maanta, Taariikhda markii ugu horaysay daahfurnay Ganacsiga Kheyraadka Badda ah, kaasoo tusaale u ah in Labada Dal ay aad u xiisanaynaan in Xiriirka lasii kordhiyo,”ayuu yiri Safiirka.

Toddobaadkii hore, Wasiirro katirsan Dowladda Federaalka iyo Koox Ganacsato Itoobiyaan iyo Turki ah ayaa socod ku soo maray Degmada Qadiimiga ah ee Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo soo indha indheeyay Maalgashi iyo Fursado Ganacsi oo Kalluunka laga heli karo.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply