Golaha Degaanka Burco Ayaa Doortay Maayar Iyo Maayar Ku-xigeen

 

20/06/2021

 

BURCO – Golaha Degaanka Burco ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay doorteen Maayar iyo Maayar Ku-xigeen.

Warka wuxuu ku darayaa in Xubnaha Golaha Degaanka Burco ay Maayar u doorteen Cabdirisaaq Heero halka Maayar Ku-xigeena ay u doorteen Mukhtaar Baaryare.

Xubnaha Golaha Degaanka Burco ayaa dhamaantood waxey u codeeyeen Hogaanka Cusub ee Magaalda Burco, iyadoona jirin Cid la tartantay.

Maayarka Cusub iyo Ku-xigeenkiisaba, waxaa ay Labadoodaba kasoo baxeen Xisbiga UCID.

Isha Warkan: Burco Online News iyo Qaran News, Somaliland

Leave a Reply