Dagaal U Dhexeeya Ciidanka Xooga Dalka Iyo Al-Shabaab Oo Ka Billowday Gal-Mudug

 

20-06-2021

 

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday Degaan udhaw Caasimadda Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

DHUUSAMAREEB – Dagaal u dhexeeya Ciidamda Dowladda ee ku sugan Gal-Mudug iyo kuwa kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay Degaan lagu magacaabo Orshe oo dhanka Bari 50Km ka xiga Xaasimadda Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheeganaya in ay Guul ka gaareen Dagaalka islamarkaana ay Qasaare xooggan ku gaarsiiyeen

 

Deegaanka Orshe oo ah halka ay Labada Ciidan isku fara-saareen. Sarkaal u hadlay Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Goobtii lagu dagaallamay ay yaallaan Meydadka Kooxdii ay kula dagaallameen halkaas ee Al-Shabaab waxa uuna intaa ku daray in laga furtay Hubkii iyo Saadkii ay wateen Kooxda. Waxaa Dab la qabadsiiyay Dhir ay ka dhiganayeen Gabbaad intii ay meesha joogeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wadday Baryahan Dhaqdhaqaayo xooggan oo ku aadan Dhul Ballaarsi, iyadoo ku soo sikeysa Caasimadda Gal-Mudug ee Dhuusamareeb islamarkaana la wareegtay Degaanno horay loogu dagaallamay oo Kooxda looga awood roonaaday markii hore, balse ay hadda Gacanta ku dhigeen, sidoo kale Gobolka Mudug, Degmooyin katirsan ayey aad ugu soo sigdeen, iyagoo la wareegay Degaanka Bacaadweyne oo Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidanka Xooga Dalka ay ku dagaallameen balse mar dambe ay si nabada kula wareegeen Kooxda Al-Shabaab.

Gal-Mudug ayaa Xilligan ku mashquulsan Udiyaar Garowga Doorashooyinkii Baarlamanka oo la filayo in dhawaan ay ka billowdaan Laba Magaalo oo katirsan Gal-Mudug, inkastoo Ciidankii jiidaa hore ku sugnaa ay Gudaha usoo galeen Magaalooyinka ay Doorashadu ka dhici doonto islamarkaana ay qeyb ka yihiin Ololaha Doorashada ee Xilligan ka socda guud ahaan Magaalooyinka kale ee Doorashada laga rajeynayo.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply