Faahfaahino Kasoo Baxaya Madaafiic Xalay Lagu Garaacay Deegaanka Biyo Cadde

 

19-06-2021

 

BIYO CADDE – Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay Saqdii Dhexe Madaafiic ay ku garaaceen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Tiro Madaafiic ah oo Dhawaqeeda Hurdada u diiday Dadka ku dhaqan Deegaanka Biyo Cadde ayay Al-shabaab Xalay ku tuureen Gudaha Deegaankaasi.

Lama oga Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicda Xalay lagu garaacay Deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shalay ayay aheyd markii Dagalamayaasha Al-Shabaab Qarax Ismiidaamin ahaa oo Gaari loo adeegsaday ay ka fuliyeen Saldhiga Deeganka Biyo Cadde, kaasoo sababay Dhaawaca Taliyaha Guutada 4aad, Qeybta 27aad Gaashaanle Sare Saney Cabdulle iyo Afar Askari oo kamid aheyd Ilaaladiisa.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ayaa Mudooyinkii dambe waxaa Deegaano badan oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmarayay Dagaalo aad u xoogan oo midba midka kale ku doonayo inuu Gacan ku heynta Deegaanadaasi maamulooda.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply