Antonio Guterres Ayaa Mar Kale Loo Doortay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

 

19/06/2021

 

NEW YORK – Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlibiyad leh u doortay Antooniyo Guteeres (Antonio Guterres) inuu mar labad noqodo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jimcihii, isaga oo Shan Sano oo kale sii heyn doona Hoggaanka Golaha ay Xubnaha ka yihiin 193 Dal, Xilli Dunida ay kala fogeynayaan Qilaafaadyo badan.

Folkan Boskir (Volkan Bozkir) oo ah Madaxweynaha Golaha Guud ayaa ku dhawaaqay dib u doorashada Guteeres (Guterres), kaddib markii Danjiraha Estoonya (Estonia) ee Qaramada Midoobay Isfeen Jurgensen (Sven Jurgenson) uu aqriyay Qaraarkii ay qaateen 15ka Xubnood ee Golaha Ammaanka, kaas oo ay ku taliyeen in Guteeres (Guterres) mar labaad la doorto.

Boskir (Bozkir) ayaa isla Shalay u dhaariyay Guteeres (Guterres) Xoghaya Guud.

Guteeres (Guterres) ayaa ahaa Musharraxa kaliye ee u taagnaa Jagada ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay Dib-udoorashadiisa, isla markaana ay Yididiilo siineyso Taageerada ay u muujiyeenn Waddamada Caalamka.

Wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono Kahortagga wax kasta oo abuuri kara Qilaafaad, Isbedelka Cimilmada, Fakhriga iyo Sinnaan La’aanta.

Dib-udoorashada Xoghayaha Guud waxaa isla markiiba soo dhaweeyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antoni Bilinken (Antony Blinken) iyo Hoggaamiyaha Jermaaniya (Germany) Angela Merkel.

Isha Warkan: AP, iyadoo loo soo maray Laanta Af Soomaaliga ee (VOA Somali)

Leave a Reply