Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliya Ayaa Ka Hadlay Qasaarihii Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Biyo Cadde

 

18-06-2021

 

MUQDISHO – Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ah Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu Faah-faahin ka bixiyay Weerar Ismiidaamin ahaa oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaalla Gobalka Shabeellada Dhexe.

Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wuxuu sheegay in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaya Qarxaha lagu weeraray Banaanka Hore ee Saldhig Ciidan oo ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ilaa 4 Askari oo ilaalo ka haysay Saldhiga ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse ma sheegin Qasaaraha kale ee ka dhashay Qaraxa.

Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada ay haysteen Xogta Qaraxa, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada ay ka hortageen Qorshihii ay soo maleegeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply