Gaashaanle Sare Saney Cabdulle Ayaa Ku Dhawacmay Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Biyo Cadde

 

18-06-2021

 

BIYO CADDE – Wararka ka imanaya Deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaalaha Qarxa lagu weeraray Saldhig ay Ciidamada ku leeyihiin Deegaanka Biyo Cadde, halkaasna uu ka dhashay Qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Gaashaanle Sare Saney Cabdulle oo kamid ahaa Saraakiisha hogaaminaysay Ciidamadii ka soo horjeestey Muddo Kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka lagu qaaday Saldhigga Ciidamada ay ku lahaayeen Deegaanka Biyo Cadde oo illaa 45 KM xigta Dhinaca Bari ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle.

Askar tiradooda lagu sheegay inay gaareyso Afar Askari ayaa Weerarkan ku dhintey halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Isha Warkan: Jowhar News

Leave a Reply