Waxaa La Baajiyay Socdaalkii Uu Farmaajo Ku Tegi Lahaa Turkiya

 

17-06-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Muddo XiLeedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu baajiyay Socdaal uu ku tegi lahaa Dalka Turkiya, uuna uga qeyb-geli lahaa Shirka Antalya Diblomacy Forum oo Maalinta Berri ah ka furmi doono Magaalada Antalya ee Dalka Turkiya. sida laga soo xigtay Ilo Wareedyo oo ku dhow Villa Somalia.

Warka wuxuu ku darayaa in Sababta ugu weyn ee uu Farmaajo uga baaqday Shirka Antalya Diblomacy Forum in ay tahay, iyada uu Muddo XiLeedkiisa uu dhamaaday 8dii Febraayo 2021 isla markaana uusan lamid noqon karin Madaxda Shirka Ka-qeybgaleyso oo Muddo Xileekooda uusan dhamaan.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply