Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shilal Ka Dhacay Dowlad Degaanka Soomaalida Ee Itoobiya

 

17/06/2021

 

QABRI DAHAR – Inta la xaqiijiyay Laba Ruux ayaa geeriyootay, 13 kalena waa ay dhawacmeen kadib markii Shil Gaari uu ka dhacay Duleedka Xarunta Gobalka Qoraxay ee Magalada Qabri Dahar ee Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Shilka Gaari ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Laba Gaari oo si xowli ah ku socday, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Dadka Degaanka uu Shilka ka dhacay.

Dhinaca kale, Gaari Amulaansi (Ambulance) ah oo qaaday Dadkii Shilka Qabri Dahar ku dhaawacmay, ayaa ku rogmada duleedka magaalada Qabribayax, waxaana halkaasi ku geeriyooday Laba kamid ah Dadkii dhaawaca ahaa.

Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa tegay Goobta uu Shilka ka dhacay, waxaa ayna Gurmad u sameeyeen Dadkii Shilkaasi ku dhaawacmay, iyaga oo isla markaasi kaashanaya Dadka Degaanka.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply