Taliye Tareedisho Ayaa Ku Dhawaaqay Dagaal Ka-dhan Ah Al-Shabaab

 

16-06-2021

 

BUULO BURDE – Kulan looga hadlayay Amniga iyo La-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka qabsoomay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo Kulanka ay kaqeyb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan.

Saraakiisha Ciidamada, Qeybta 27aad ayaa Kulanka looga dhageystay Warbixin la xiriirta Dhanka Amniga Degmada iyo Degaannada hoostaga, iyaga oo sheegay in uu yahay mid wanaagsan, balse ay jiraan Dhibaatooyin la xiriira Isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Qeybta 27aad Jeneraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in guulo waaweyn laga garay Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ka sameeyeen Degaannada hoostaga Degmada Buulo Burde .

Waxaa uu hadalkiisa uu kusii daray in Ciidamada Dowladda ay weli Howlgallada wadaan, isla markaana dhawaan sidoo kale la bilaabi doono Dagaalka Ka-dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro Degaannada kala duwan ee Gobolka Hiiraan.

Warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Qeybta 27aad Jeneraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa kusoo aadaya Xilli dhawaan Degaanno hoostaga Degmada Buulo Burde ay ka dhaceen Dagaalo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Isha Warkan: Radio Risaala

Leave a Reply