Ergo Ka Socotay Beesha Caalamka, Ayaa Gaartay Magaalada Dhuusamareeb

 

16-06-2021

 

Ergodan ka socotay Beesha Caalamka ee Maanta gaartay Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb, ayaa waxey halkaasi ay Kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Waxaa Ergodan hoggaaminayay Ergayga Gaarka Ah ee Qaramada Midoobay ee u xilsaaran Arrimaha Soomaaliya Jeemis Iswaan (James Swan), waxaana qeyb ka ahaa Wakiilada Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), iyo Urur Goboleedka IGAD.

Arrimaha looga hadlay Kulankii Maanta, ayaa waxaa kamid ahaa Xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardargelin lahaa. Waxey isla garteen dedejinta Howlaha ka harsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeysti waxaa lasoo wariyay in Wakiilada Beesha Caalamka ee Maanta Gaartay Magaalada Dhuusamareeb ay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay u balan qaadeen Mashaariic Horumarineed oo laga fulin doono Deegaanada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

Isha Warkan: Hiraan Online

Leave a Reply