Beesha Caalamka Oo Loogu Baaqay Iney Ka Hadasho Cabashooyinka Waalidiinta

 

16-06-2021

 

Dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo Ururrada ay ugu horreyso Qaramida Midoobay, ayaa loogu baaqay in ay ka hadlaan Cabashooyinka Waalidiinta oo ay Caruurtooda ka maqan yihiin ee Ilintu kaga dhamaaday Wadooyinka Magaalooyinka Soomaaliya.

Agaasime Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Cabdisalaan Guuleed, ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in Dalalka daneeya Arrima Soomaaliya ay wali ka aamusan yihiin Cabashooyinka Waalidiinta, oo Dhalinyarada ay dhaleen loo qaaday Eriteeriya (Eritrea), kadibna laga dagaal galiyay Waqooyga Itoobiya.

“Waxaan filayaa inay tahay wax aan la aqbali karin in UN, UK, USA iyo AU ay ka aamusaan Arrinta askarta ku maqan Eriteeriya (Eritrea),” ayuu yiri Guuleed oo ahaa Shaqsigii ugu horreeyay ee baahiyay in Ciidamo Soomaali ah kaqeyb-qaateen dagaalkii ka dhanka ah TPLF.

“Hooyooyinka ooyaya waxay u baahan yihiin Fiiro Gaar ah iyo Taageero,” ayuu yiri Agaasime Ku-xigeynkii Hore ee NISA.

Agaasime Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Cabdisalaan Guuleed wuxuu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan uu ugu baaqay inuu ka hadlo Arrinkaan.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Dowladda Xilgaarsiinta ayaa indhaha ka daawanaayo Cabashooyinka Waalidiinta oo in ka badan Shan Bilood ku bannaan-baxaya inta badan Magaalooyinka Dalka, waxaana la rumeysan yahay in la joogo Xilligii ay Arrintaan soo faragalin lahaayeen, Wakiillo Caalami ah.

Waalidiinta, ayaa Cabasho ka muujiyay Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo dhawaan uu magacaabay Wasiir Koowaadka Dowladda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseyn Rooble, waxayna ku eedeeyeen Rooble inuu marin-habaabinayo Kiiska Dhalinyarada, maadaama uu magacaabay Guddi aan lagu kalsoonaan karin.

Isha Warkan: Keyd Media

Leave a Reply