Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Baa Ka Hadlay Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

 

15-06-2021

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si faah-faahsan uga hadlay Qarax Ismiidaamin ahaa oo Barqaninadii Maanta ka dhacay Afaafka Hore ee Xerada Tababarada Jeneraal Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhegabadan.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in Qaraxa Maanta uu fuliyay Ruux isku soo xiray Jaakad Walxa Qarxa ku rakiban yihiin, islamarkaana uu dhexgalay Dhalinyaro dooneysay iney ku biiraan Ciidanka Gorgor oo ku jiray Safka Baaritaanka Xerada Jeneraal Dhegabadan, si ay Xerada ugu gudbaan.

Taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10 kamid ah Dhalinyaradii ku sugneed Afaafka Hore ee Xerada ay ku dhinteen Qaraxa, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

“Allaha u naxariisto waxaa dhimatay 10 kamid Dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan Ciidamada Xoogga Dalka, waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale, kuwaa oo ku sugnaa Banaanka Koontarool-ka laga galo Xerada Ciidanka ee Jeneraal Dhegabadan, Dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka kahor inta uusan dhex galin Qof Naftii Halige Ah” sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Jeneraal Odawaa Yuusuf ayaa uga tacsiyadeeyay Ehelada iyo Shacabka Soomaaliya, Dhalinyarada Dooneysay iney isu diiwaan geliyaan ku biiritaanka Ciidanka Gorgor ee Dowladda Soomaaliya isla markaana Maanta lagu dilay Qaraxa Ismiidaaminta ahaa.

Xigasho: Hiraan Online

Leave a Reply