Kumaandooska Danab Oo Howlgalo Lagu Beegsanayo Argagixisadda Shabaab Ka Fuliyey Gobolka Shabeellada Dhexe

 

15-06-2021

 

JOWHAR (SONNA) – Ururka 7aad ee Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa Howlgallo qorsheysan oo lagu baacsanayo Argagixisada arxanka darran ee Alshabaab waxaa ay Maanta ka sameeyeen Deegaano katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Goobaha Hawlgalkaan qorsheysan laga sameeyey ayaa waxaa kamid ah Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina Cade, Gaaleef iyo Buurdhee, waxaana dhammaan Deegaanadaan ay hoostagaan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Argagixsada Alshabaab ayaa Howlgalkaan lagu gaarsiiyey Qasaare Xooggan, waxaana Ururka 7aad ee Kumaandooska Danab ay burburiyeen baro Nabad Diidku ay deganaayeen oo ay ka soo abaabuli jireen Dhagaraha Dadka aan waxba galabsan ee Shacabka ah lagu dhibaateeyo.

Ku simaha Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan “Xasan Tuure” ayaa sheegay in Ururka 7aad ee Danab ay Guulo la taaban karo ka soo hoyeen Howlgaladaan, isaggoo xusay in la joogteyn doono Weerarada iyo Hawlgalada Qorsheysan ee lagu dhabargoynayo Argagixisada Baxsadka ah.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa sidaan oo kale horey u fuliyey Hawlgalo badan oo lagu dilay Horjoogeyaal sare iyo Maleeshiyaad katirsan Argagixisada.

 

Leave a Reply