Midowga Musharaxiinta Waxey Ka Dalbadey Ra’iisul Wasaaraha Inuu Bedelo Guddi Uu Magacaabay

 

14-06-2021

 

MUQDISHO – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Baarista Kiiska Askarta Eritrea basle ka dalbaday inuu wax ka bedelo Guddigan.

War-saxaafadeed ku Taariikheysan 13ka Juun (June), 2021 ayaa la sheegay in Guddiga ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Xukuumad Eedeeysan.

“Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si Ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan Gudigaan uu dib u soo magacaabo Xubno dhexdhexaad ah oo aan Dowladda katirsaneeyn sida Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxda Axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin Madaxbanaanidooda iyo Go’aanka ay ka soo saaraan Hawl Qarameedka loo igmaday,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Halkan hoose ayaa lagala socon karaa qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta.

May be an image of text

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply