Foos Xasan “Rooble Si Toos Ha U Aado Ereteeriya (Eritrea), Haddii Uu Wax Noo Qaban Rabo”

 

14-06-2021

 

MUQDISHO – Iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu Guddi u magacaabay Cabashada Waalidiinta Soomaaliyeed ee Ubadkooda Dowladda Federaalka Tababarka ugu qaaday Ereteeriya (Eritrea) ayaa waxay Waalidiintu muujinayaan inaanay ku qanacsanayn Magacaabidda Guddigaasi.

Waalidiinta qaarkood oo Khamiistii Bannaanbax Cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa Haatan sheegaya inay wajahayaan Walwal aan dhammaad lahayn.

Walaaca Waalidiinta ayaa kordhay, kadib markii ay soo baxday Warbixinta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ay ku sheegeen in Ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya.

Hooyo Foos Xasan oo kamid ah Waalidiinta ay Ubadkooda ka maqan yihiin ayaa sheegtay in Bishii Janaayo (January) ee Sanadkan ay ahayd markii ugu horeysay, oo ay is maqleen Wiilkeeda, isagoo ku sugan Dalkaasi Ereteeriya (Eritrea).

“Wiil ayaa iga maqan, wuxuu iga tagay Sanadkii 2020kii, Bishii 2aad, 17keeda, waxaana Codkiisa iigu horeeyay Sanadkan 2021, Bishii 1aad, wuxuu ii sheegay inuu jooggo Eritrea, koley Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, tumay, lana cadibay,” ayay tiri Hooyo Foos Xasan oo intaa ku dartay “Dhowr mar ayuu ila soo hadlay, laakiin mar walbaba iima soo sheego wax faa’iido ah oo hadda soo socoto. Ilaahay (SWT) mooyee Cid kaloo Bani’Aadam ah oo sugeyno oo noo doodeyso ma hayno ayuu dhahay, dhibaato aad u badan ayay sheegteen.”

Hooyo Foos ayaa Rajo Beel ka muujisay Guddigii uu Ra’iisal Wasaare Rooble 12kii Bishan u magacaabay Arrinta ku aaddan Cabashada Waalidiinta.

Waxayna tiri “Waxaan dhihi lahaa Ra’iisal Wasaaraha wax uusan samayn karin yuusan Duudka saaraninee, Arrintaas Guddiga iyadoo loo dirin, si toos ah haddii uu wax noo qaban rabo, ha u aado Ereteeriya (Eritrea) ee Warbixin Cad hanaga soo siiyo, isagaa hadda Meesha u xil saaranee.”

Waxay Hadalkeeda ku soo gunaanuday “Guddigan hadda waa la dooranaa la leeyahay, aniga aslanbo ma u haayo inay wax Rajo ah inoo hayaan, waxaan u maleeyaa inay noo Carab laalaadinayaan ay is leeyihiin ha aamusaan.”

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply