Waalidiin Ka Banaanbaxayo Dhalinyaro Ay Dowladda Soomaaliya Ay Tababar Ciidan Ugu Qaatay Dalka Eretereeya

 

13-06-2021

 

GURICEEL – Qaar kamid ah Waalidiinta ay Caruurtooda ay Dowladda Soomaaliya ay tababar Ciidan ugu qaaday Dalka Ereteeriya ayaa waxaa ay Maanta Banaannax ka dhigeen Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.

Waalidiinta oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku cabirayaan Dareenkooda ku aaddan Carruurtooda oo ku maqan Dalka Ereteeriya, ayaa sheegayay in War iyo Wacaal, midkoodna ay ka heyn Caruurtooda.

Qaar kamid ah Waaldiintiinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya in Carruurtooda ay si Deg-deg ah ugu soo celiyaan.

Waxaa ay sheegeen inay maqleen in Carruurtooda Tababarka Ciidan loogu qaaday Dalka Ereteeriya in laga qeybgeliyay Dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya, waxaana ay dalbadeen inay Dowladda Soomaaliya u kala cadeeyso.

Banaanbaxyada ay dhigayaan Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay Dalka Ereteeriya ayaa waxaa ay badankood ka dhaceen Magaalada Muqdisho, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka jawaabayay cabashadooda uu u saaray Guddi, si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Isha Warkan: Radio Risaala

Leave a Reply