Maxay Ka Wadahadleen Guddiga Farsamada Doorashooyinka Iyo Kooxda Ka Socotay Qaramada Midoobay?

 

13-06-2021

 

MUQDISHO – Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay Maanta la kulmeen Kooxda QM Kooxda QM u qaabilsan taageerida Arrimaha Doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada-hadleen Isu-duwidda iyo Mideynta Howlaha lagu taageerayo Dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee Hirgelinta Doorasho Daahfuran oo Xor iyo Xalaal ah.

Sidoo kale Kulanka ayaa lagu falanqeeyay in si deggan ay Xafiiska R/wasaare Rooble ugala shaqeeyaan Qabsoomida Doorasho lagu qanacsan yahay.

Guddiga Farsamada Doorashooyinka ayaa Maalmihii dambe, waxaa ay kulamo ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Kulmiye

Leave a Reply